Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booqashada R/W Farmaajo ee Virginia


Booqashada R/W Farmaajo ee Virginia
Booqashada R/W Farmaajo ee Virginia

Jaaliyadda Soomaalida ee Nawaaxiga Washington ayaa xalay xaflad soo dhoweyn ah u sameeyay ra'iisal wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo beryahanba booqasho ku joogay dalkan Maraykanka ayaa xalay ka qeybgalay xaflad ay jaaliyadda Soomaalida deggan agagaarka Washington ugu sameeyeen gobolka Virginia.

Xafladdan xalay lagu soo dhoweeyay ra’iisal wasaare Farmaajo iyo wafdigiisa waxay ahayd mid ay ka muuqatay farxad ay muujinayeen jaaliyaddu.

Waxaana gebi ahaanteedba ay jaaliyaddu muujisay sida ay ugu qanacsan yihiin waxqabadka xukuumadda uu hormuudka ka yahay ra’iisal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jaaliyadda Soomaalidu ay si weyn u sugaysay khudbaddiisa ayaa ka hadlay arrimo badan oo dhinacyo badan taabanaya.

XS
SM
MD
LG