Isku xirrada

War Deg-Deg ah

R/W Farmaajo oo Dhamaystiray Golihiisa Wasiirrada


R/W Farmaajo oo Dhamaystiray Golihiisa Wasiirrada
R/W Farmaajo oo Dhamaystiray Golihiisa Wasiirrada

Ra'iisul-wasaare DKMG Max'ed Farmaajo ayaa dhamaystiray golihiisa wasiiradda, wuxuna magacaabay 9 wasiiru-dowle iyo 18 wasiir ku-xigeen.

Ra’iisul wasaare Farmaajo ayaa maanta magacaabay 18 wasiir ku-xigeen iyo 9 wasiiru-dowle. Xubnahan cusub waxaa ku jira afar wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii Cumar Cabdirashiid, halka xubnaha kale ay yihiin xildhibaanno iyo xubno kale oo ku cusub siyaasadda Somalia.

Toddobaadkii hore ayey aheyd markii uu Ra’iisul Wasaare farmaajo soo dhisey wasiirada xukuumadiisa oo ka kooban 18 wasiir.

Toddobaadka danbe ayaa la filayaa in xukuumadda Mr Farmaajo ay hor-tagto baarlamanka, si ay kalsooni u weydiistaan baarlamaanka DFKG Somalia.

XS
SM
MD
LG