Maxkamad ku taala Uganda ayaa maanta xukun ku ridday laba nin oo loo haysto falalakii argagixisanimo ee lagu qarxiyay caasimadda Kampala bishii July ee 2010-kii
Edris Nsubuga ayaa waxa maxkamaddu ku xukuntay 25 sanno oo xadhig ah halka Mohamud Mugisha isna lagu xukumey 5 sanno oo xadhig ah.
Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uulliyada qaraxyadaas kuwaasoo lagu bartilmaameedsadey dad rayid ah oo ciyaarihii aduunka ee 2010-kii daawanaayey.
Al-shabaab waxay sheegtay in weerarkaasi uu ahaa mid aargudasho u ah doorka Uganda ay ku leedahay ciidamada nabad ilaalinta ee ka jooga Somalia ee ay ku taageerayso dowladda Soomaaliya.