Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Xooggan oo ka Dhacay Beledweyn


Qarax Xooggan oo ka Dhacay Beledweyn
Qarax Xooggan oo ka Dhacay Beledweyn

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa saaka aroortii ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday xarunta gobolka.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in baabuur waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay xarunta gobolka ee magaalada Beledweyne.

Dhismaha xarunta gobolka ayaa waxaa dagan saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Ethiopia oo iyagu dowladda ka caawiyay qabsashadii magaalada Beledweyne bishii hore.

Goob-joogayaal ayaa VOA u sheegay inay gudaha xarunta gobolka ku arkeen laba kamid ah gaadiidka ciidamada Ethiopia oo ku waxyeelloobay qaraxa saaka.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi. Afhayeen u hadlay al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dileen qaar ka tirsan ciidamada Ethiopia, hasse yeeshee wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee DKMG C/laahi Goodax ayaa VOA u sheegay in qaraxaasi uu kaliya ku dhintay ninkii waday.

XS
SM
MD
LG