Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Labaad oo ka Dhacay Nairobi


Goobta uu Qaraxa 1aad ka Dhacay
Goobta uu Qaraxa 1aad ka Dhacay

Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in qarax labaad uu ka dhacay boosteejo baabuurta basaska ah laga raaco oo ku taalla bartamaha Nairobi.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxan uu ku dhintay hal qof isla markaana ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo kale.

Qaraxii koowaad oo dhacay goor danbe oo xalay ah ayaa waxaa uu ahaa nooca bambaannada gacanta laga tuuro oo lala beegsaday meel baar ah oo lagu caweeyo oo ku taalla bartamaha magaalada Nairobi, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay Ugu yaraan 13

Boliiska Kenya ayaa baadhitaan ku samaynaya qaraxyadan oo la tuhmayo inay dhici karto inay ka danbeeyaan kooxda Al-Shabaab.

Qaraxyadan waxay dabasocdaan kaddib markii kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ay ku hanjabtay inay weerar ka geysan doonto gudaha Kenya kaasi oo ay uga aargudanayso howlgalka military ee ciidamada Kenya ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG