Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay magaalada Boosaaso


Qarax ka Dhacay magaalada Boosaaso
Qarax ka Dhacay magaalada Boosaaso

Ugu yaraan 2 caruur ah ayaa ku dhaawacmay kaddib markii maanta uu qarax ka dhacay guri ku yaalla xaafadda Baalade ee magaalada Boosaaso.

Mulkiilaha gurigan qaraxu ka dhacay ayaa idaacadda VOA u sheegay in labada qof ee dhaawacan tahay ay ahaayeen wiil iyo gabadh uu isagu dhalay.

Qaraxan ayaa sidoo kale wuxuu duminaya guriga.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhashay miino lagu aasay waddo guriga ag marta.

Maaamulka Puntland ayaan la ka hadlin qaraxan iyo cidda geysatay.

XS
SM
MD
LG