Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qalliinka Indhaha oo Muqdisho ka Bilaabmaya


Qalliinka Indhaha oo Muqdisho ka Bilaabmaya
Qalliinka Indhaha oo Muqdisho ka Bilaabmaya

Magaalada Muqdisho ayaa maanta laga bilaabayaa qaliinka indhaha gaar ahaan indhaha loo yaqaanao Weershaha amma Cawarta. waxaana laga bilaabayaa isbitaalka Daaruul Shifa.

Howshan qaliinka oo inteeda badan tabarucaad ah ayaa bilaabanaysa maanta oo axad ah taariikhduna ku beegantahay 25ka april, waxana lagu wadaa in wajigeeda koowaad ay ka faa'iidaystaan ilaa 300 oo qof oo iyagu is diiwaan galiyay sida uu VOA u sheegay agaasimaha isbitalka daaru shifa Axmed Xasan Aadan.

Maxamed Cabdulaahi waa wiil dhalinyaro ah oo isbitalka daaru shifa keenay wiil 12 jir ah oo ay walaalo yihiin kaasoo sida uu sheegay ay cuqdad ku dhalisay qalooca indhihiisa ku jira, waxana uu ka warbixinayaa rajada uu ka qabo in walaalkii ay indhuhu u hagaagaan.

Bukaanada isbitalka daaru shifa u yimid in la saxo qalooca indhahooda ku jiro ayaa waxaa ka mid ah Caamir Cali Wardheere oo sheegay inuu yahay nin dhalinyaro ah oo aad u jecel ciyaarta kubada cagta, waxana uu tilmaan ka bixiyay rajadiisa ugu wayn ee mustaqbalka dhaw hadiiba ay dhacdo in qaliinka ishiisa lagu guulaysto .

Howshan qaliinka ah ee lagu hagaajinayo aragtida indhaha ee is dhaafsan ayaa ah mid ay dadku soo dhaweeyeen, waxana ay socon doontaa ilaa 28ka bishan aynu ku jirno,iyadoo talaabadana ay tahay markii ugu horaysay oo howl noocan oo kala ahi uu fuliyo isbitalka daaru shifa ee magaalada muqdisho.


XS
SM
MD
LG