Dilalkan ayaa kii ugu danbeeyey waxaa uu xalay ka dhacay bartamaha Boosaaso, waxaana dhaawac halis ah oo la gaarsiiyay u geeriyooday Xildhibaan Max’ed Cabdi Jibriil oo ku magac-dheeraa (Daqarre), Dilkaasi waxaa geystey laba nin oo aan heybtooda la garan.
Wararka naga soo gaaraya Boosaaso ayaa sheegaya in labada dhagar-qabe ee toogtay mudanaha, uu midkood watay bistoolad, halka midka kalena uu jeeni-qaarnaa qori. Ninkii bastooladda watay ayaa dhowr xabadood la helay marxuum Daqarre.
Allaha u naxariistee xildhibaan Daqarre, wuxuu baarlamaanka Puntland kusoo biiray muddo ka yar laba toddobaad kahor, kaddib markii uu beddelay aabbihiis oo xilkaas ka geeriyooday. Xildhibaanku wuxuu kasoo jeeday gobolka Sool.
Dilka xildhibaan Daqarre ayaa kusoo beegmaya laba toddobaad uun kaddib markii isla magaalada Boosaaso lagu toogtay xildhibaan Cabdullahi Cali Cusmaan Kaarad, oo la dilay shantii bishan.
laga soo bilaabo bishii June ilaa December, Puntland waxaa ka dhacay dilal lala beegsaday xubno ay ka mid yihiin wasiir, xildhibaan, garsoore iyo sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka, iyadoo sidoo kalena la sigay gudoomiyaha barlamaanka maamul-goboleedka Puntland.
Gen Cadde Muuse, Madaxweynihii hore ee maamulkaasi ayaa sheegay in dilalkani ay yihiin aanno qabiil oo ka dhaxeysa qaar ka tirsan qabiillooyinka dega deegaanka Puntland.
Warbixin ka hadlaysa dilalka Puntland qeybta hooose ee qoraalkan ka dhagayso.
Puntland iyo dillalka qorsheysan

Puntland waxaa ku soo badanaya dillalka lagu bartilmaameedsanayo qaar ka tirsan mas'uuliyiinta maamulka Puntland.