Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Hala xayiro hantida Shabab & X-Islaam


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa soo saaray amar lagu xayirayo hantida kooxaha mayalka adag ee Soomaaliya.

Wareegto uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha Maraykanka, Barrack Obama ayaa tilmaamaysa in dhibaatada ka socota Soomaaliya ay khatar ku tahay amninga Maraykanka, sidaas darteedna uu amar kusiiyey Waaxdiisa Maaliyadda inay xayirto hantida dad ay ku tilmaantay inay caqabad ku yihiin amni darrada ka taagan Soomaaliya.

Inkastoo Qaramada Midoobay, waddanka Maraykanka, Canada, iyo waddamo reer Yurub ahi ay horey shakhsiyaad sida Xasan Daahir Aweys, iyo Ururka Al-shabaab ay liisaskooda argagixisada ugu dareen, haddana isku xirka waxa ka socda Soomaaliya iyo amniga gudaha ee waddanka Maraykanka ayaa ah arrin cusub oo aanay horey dawladda Maraykanku uga dhawaajin.

Dadkan lagu xusay warqadda Waaxda Maaliyadda Maraykanka ayaa waxay ka kooban yihiin 12 qof waxaana ka mid ah:
1- Xasan Daahir Aweys, hogaamiyaha Xisbul-Islam
2- Xasan Abdullahi Xersi oo loo yaqaan Xasan Turki oo ka tirsanaa Xisbul-Islam haddase u wareegay Ururka Alshabaab.
3- Axmed Abdi Aw-Maxamed oo loo yaqaan Godane: ahna Madaxa ururka Alshabaab
4- Fuad Maxamed Khalaf oo loo yaqaan Shongole oo ah xubin sare oo ka tirsan ururka Al-shabaab
5- Yaasin Cali Baynax
6- Maxamed Cabdi Garaad
Iyo qaar kale oo dad ajnabi ahi ay ku jiraan.

Waxaa xusid mudan in hadda ka hor ay dawladda Maraykanku liista argagixisada ugu dartay dad ay ka mid Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, af-hayeenka Alshabaab iyo Aadan Xaashi Ceyrow oo horey Maraykanku duqeyn ugu dilay oo isna ahaa mas’uul sare oo ka tirsanaa ururka Alshabaab.

Wareegtadan cusub ee uu Madaxweyne Obama soo saaray ayaa u eg mid caawin dawladda taagta daran ee Soomaaliya oo ay wiiqeen, caqab muuqatana ku ah ururadan mucaaridka ku ahi.

XS
SM
MD
LG