Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo Ka Dhacay Masjid Oo Dilay 30 Qof


Qaraxyada ayaa loo fuliyey si xeeladeysan, ayada oo qaraxa labaad uu dhacay markii ay dadka isugu soo urureen inay caawiyaan dadkii ku waxeeloobay qaraxii koowaad.

Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu dilay waqooyiga bari ee dalka Nigeria kadib markii bam uu ku qarxay gobolka borno, halkaasi oo kooxda mintidka ah ee Boko Haram ay si firfircoon uga howl gahso.

Saraakiisha xaaladaha deg degga ah ee Nigeria ayaa sheegay in labada qof oo ismiidaamiyey ay isku qarxiyeen masjid dhexdiisa, goor dame dambe oo maalintii khamiista ahayd, magaalada caasimadda gobolka ah ee Maiduguri.

Qaraxyada ayaa la waqtiyeey, sidaa darteedna qarax labaad ayaa dhacay markii dad badan ay isugu soo urureen inay caawiyaan dadkii wax ku nqoday qaraxa koowaad. Labada qarax ayaa dhacay xilligii salaadda cishaha.

Tobaneeyo qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxyada. Booliiska ayaa wakaaladda wararka France ee AFP u sheegay in dhismaha masjidka ay gaartay waxyeello weyn.

Inkasta oo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada, haddana kooxda Boko Haram ee waqooyiga bari ee Nigeria ayaa sheegtay damaceeda ah inay dooneyso inay shareecada islaamka ka dhaqan geliso gobolka.

XS
SM
MD
LG