Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muungaab Oo Diiday Ruqsad Ay Bixisay DF


Xasan Muungaab
Xasan Muungaab

Wasaaradda amniga oo hay’ad QM ka tirsan u fasaxday inay xirato jid hormara xafiiskeeda, ayaa waxaa ka kor dhacay guddoomiye Muungaab oo joojiyey qorshihii lagu xiir lahaa waddada.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta hor istaagey dhisme ay dooneysey in mid ka mid ah hay’adaha QM ay ku xirto waddo ag marta xafiiskooda.

Wasaarada Amniga Qaranka ee dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegy in ay hay’addan QM ka tirsan ruqsad u siisey inay qaado tallaabadan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa ku eedeeyey wasaaradda amniga in ay gacmaha kula jirto howl aan teedii aheyn, oo maamulka gobolka Banaadir u gaar ah.

Muungaab waxa uu ku dooday in sharciga uu dhigayo in arrimaha la xiriira waddooyinka magaalada Muqdisho ay tahay howsha maamulka gobolka Banaadir, balse aysan wax shaqo ah ku lahayn dowladda federaalka.

Wasiirka Amniga Qaranka Cabdirizaaq Cumar, oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino eedeymaha loo jeediyey wasaaraddiisa, ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo.

Falastiin Axmed Iimaan ayaa wareysatey Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaaladaa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen waxayna waydiisay sababta is afgaran waaga keentey ee loo joojiyey dhismaha ay amartay wasaarada amniga.

Wareysi: Muungaab
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:01 0:00

XS
SM
MD
LG