Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Raggii Qaraxa Ankara Fuliyey Oo La Gartay


Ardayda Jaamacadda Ankara oo haya boorar lagu qoray magacyada dadkii ku naf waayey qaraxyadii sabtida.
Ardayda Jaamacadda Ankara oo haya boorar lagu qoray magacyada dadkii ku naf waayey qaraxyadii sabtida.

Labada nin ee qaraxyadii Ankara fuliyey ayaa mid waxa uu la dhashay nin horey qaraxyo ismiidaamin ah u fuliyey, halka kan kalena uu ku jiray liiska dad ay dowladda isha ku haysay.

Mas’uuliyiinta dalka Turkiga ayaa baahiyey aqoonsiga labadii qof ee fuliyey weeraradii ismiidaaminta ahaa ee magaalaada Ankara ka dhacya tododbaadkii tagay, iyaga oo sheegay in labada ninba ay xiriir la lee yihiin kooxda Daacish.

Iyaga oo soo xiganaya saraakiisha booliiska, ayaa warbahainta Turkiga waxa ay sheegeen in mid ka mid ragga fuliyey weerarkii sabtiada uu la dhashay naftii hure 33 qof oo taageerayaasha dhaqdhaqaaqa Kurdish-ka ugu dilay weerar bishii July ka dhacay magaalada Suruc ee ku dhow xadka Syria.

Saraakiisha ammaanka Turkish-ka waxa ay weerarada ku eedeeyeen kooxda Daacish, inkasta oo weli aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda.

Qofka labaad ee weerarka fuliyey ayaa wxaa uu ahaa nin horey ugu jiray liiska naftood hurayaasha la tuhunsan yahay ee kooxda Daacish, oo dowladda ay isha ku haysay.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa horraantii toddobaadkan shaaca ka qaaday jiritaanka liiska, balse waxa uu sheegay in ninkan la tuhunsanaa aan la xiri kareyn waqtigaas, maadaama uusan wax dambi ah geysan.

Shaac ka qaadistan, ayaa waxa ay horseedi doontaa eedeymo dayacaad oo ka dhan ah dowladda.

XS
SM
MD
LG