Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo ka dhacay gobolka Mudug


Dagaallo ka dhacay gobolka Mudug
Dagaallo ka dhacay gobolka Mudug

Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaallo saaka ka qarxay deegaan u dhaxeeya Camaara iy Bacaadwey

Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka waabarigii uu dagaallo ka qarxay deegaan u dhaxeeyey degmada Camaara iyo Bacaadweyne.

Dagaalladan ayaa waxaa la sheegayaa inuu daba socdo dagaallo deegaankaasi dhawaanahan ku dhexmaray laba beelood oo halkaasi daga.

Ugu yaraan 26 qof oo ka mid ah qeybaha dagaallamay ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen. tiro kale oo aan la cayimina way ku dhaawacmeen.

Dagaalladan oo ka dhacay dhul miyi ah, ayaan la ogeyn khasaaraha u gaarsiiyay dadka rayidka ah ee deegaanadaasi ku nool.

Waan-waan ay wadeen odoyaal iyo waxgarad ka tirsan labada dhinac ayaa la sheegayaa inay guuldaraysatay.

Wararka ugu danbeeyey ee deegaanka ka soo baxaya ayaa sheegaya in xaalladu haatan dagan tahay, balse ay dhici karto in mar kale dagaal uu dhici karo.

XS
SM
MD
LG