Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkii Wadatashiga oo Nairobi ka Furmay


Shirkii Wadatashiga oo Nairobi ka Furmay
Shirkii Wadatashiga oo Nairobi ka Furmay

Ambassador Mahiga oo furay shirka ayaa sheegay natiijada ka soo baxda shirka ay gogol xaar u noqonayso shir Muqdisho ka dhici doona.

Waxaa maanta magaalada Nairobi ka furmay shirkii watashiga Soomaalida ee uu qabqabaaninayay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Agustina Mahiga.

Mr. Mahiga oo furay kulanka ayaa sheegay in shirkan uu yahay wadatashi ay yeelaneyso Soomaalida.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa intaa raaciyay in shirkan ay isugu yimaadeen xubno ka socda dowladda KMG ah, Gal-Mudug, Puntland iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Wuxuuna sheegay in natiijada ka soo baxda shirka ay gogol xaar u noqon doonto shir ka dhici doona magaalada Muqdisho oo dowladda KMG ah ay martigelin doonto.

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo u warramay VOA ayaa sheegay in shirka uu ku furmay jawi wanaagsan.

Dhanka Kale Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa sheegay inay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaan Maxamed Dhaqane Cilmi oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay mooshinka ay saxiixeen tiro ku filan oo xildhibaan kalsoonida kala laaban karta guddoomiyaha baarlamaanka.

Dhageyso wareysiga Xildhibaan Dhaqane

Siyaasi Maxamed Xaaji Aadan oo ka tirsan siyaasiyiinta Puntland oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa cambaareeyay ka qeybgalka madaxweynaha Puntland ee shirka Nairobi.

Maxamed Xaaji Aadan wuxuu sheegay in ka qeybgalka shirka Nairobi uu madaxweynaha Puntland ku jebiyay dastuurka Puntland.

Dhageyso wareysiga Siyaasiga

Si kastaba ha ahaatee shirka wadatashiga ee ka socda magaalada Nairobi waxaa soo qaban qaabiyay ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Ambassadro Agustin Mahiga.

Mr. Mahiga wuxuu sheegay in shirka ay ka soo bixi doonto natiijo wax ku ool u noqon doonta arrimaha Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG