Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nairobi: Ganacsade Soomaaliyeed oo la dilay


Nairobi: Ganacsade Soomaaliyeed oo la dilay
Nairobi: Ganacsade Soomaaliyeed oo la dilay

Ganacsadaha la dilay wuxuu ka tisanaa Soomaalida ku ganacsata magaalada Nairobi ee dalka Kenya, gaar ahaan xaafadda Eastligh

Rag hubeysan ayaa barqadii maanta magaalada Nairobi ku dilay nin ganacsade Soomaali ah, mid kalena waa ay dhaawaceen.

Dilka iyo dhaawaca loo geystay ganacsatadaasi Soomaaliyeed ayaa ka dhacay Bakhaar ku yaalla Suuqa Eastligh.

Ganacsade Soomaaliyeed oo ka agdhowaa halka uu dilku ka dhacay ayaa VOA-da u sheegay in ragga dilka geystay uu muuqaalkoodu ahaa Kenyaan. Lama oga sababta loo beegsaday ganacsatadaasi.

Ganacsato badan ayaa hanti ku leh dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi oo ay kaalin ballaaran ku leedahay Soomaalidu.

XS
SM
MD
LG