Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhoweyt garyaqaanka guud ee Qaranka u magacabay Abuukaate Xasan Cali Xeyle.
Madaxweyne Shariif oo ka hadlay goobta uu kaga dhowaaqay magacaabista garyaqaanka guud ee Qaranka wuxuu sheegay inuu rajeynayo inuu guto hawsha loo xilsaaray.
Waa mas’uulkii ugu horreeyay ee xilkan loo magacaabo tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, 20 sano ka hor.
Magacaabista mas'uulkan ayaa ku soo beegantay iyadoo uu khilaaf aad u weyn uu u dhaxeeyo hay'adaha dowladda KMG ah, kaasoo salka ku haya khilaafka mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda.