Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Madaafiic Dishay Dad Rayid ah

Muqdisho: Madaafiic Dishay Dad Rayid ah
Muqdisho: Madaafiic Dishay Dad Rayid ah

Dagaalka wuxuu ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Hawl-Wadaag, iyadoo dadka rayidka ahina ku dhinteen madaafiic la is-weydaarsaday.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa dhimatay, kuwo kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn iyo dagaal dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garab ka helayay AMISOM iyo kooxda al-Shabaab.

Dagaalada waxay ka dhaceen degmooyinka Hodan iyo Hawl-Wadaag, ka dib markii kooxda al-Shabaab ay weerar ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda ka joogeen degmooyinkaasi.

Dadka rayidka ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen madaafiic ay guryohooda kula habsatay.

This item is part of
XS
SM
MD
LG