Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Fadhigii Baarlamaanka oo Baaqday


Muqdisho: Fadhigii Baarlamaanka oo Baaqday
Muqdisho: Fadhigii Baarlamaanka oo Baaqday

Baarlamaanka ayaa lagu waday maanta inuu codka kalsoonida u qaado ra'iisal wasaaraha la magacaabay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa maanta baaqday kulankii baarlamaanka kmg ah u ballansanaa in codka kalsoonida loogu qaado ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ee dhowaan uu soo magacaabay madaxweyne Shariif.

Guddoonka baarlamaanka ayaa VOA-da u sheegay in kulanka uu u baaqday sababo farsamo, balse wuxuuu ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo sababahaasi farsamo waxay yihiin.

Xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwanaa habka codka kalsoonida loogu qaadayo ra’iisal wasaaraha cusub Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa doonaya in ra’iisal wasaaraha lagu ansixiyo cod gacan taag ah, halka qaarkoodna ay doonayaan in codka qarsoodi laga dhigo.

Ilo ku dhow dhow xildhibaanada ayaa sheegaya inay jiraan wadahadalo lagu doonayo in laysku soo dhoweeyo fikradaha kala durugsan ee xildhibaanada.

Xafiisyada madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa ka soconaya kulamo la xiriira codka kalsoonida ra’iisal wasaaraha cusub.

XS
SM
MD
LG