Ugu yaraan lix askari oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ayay wararku sheegayaan in lagu dilay qarax ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.
Qaraxaasi ayaa askarta lagula beegsaday bar kontorool oo ku taalla Ex-Kontrool Afgooye.
Weli lama xaqiijin in qaraxaasi uu ahaa miino dhulka loogu aasay iyo in kale.
Kontroolka qaraxu ka dhacay waxa ku dhow deegaan ay ku xoogan yihiin kooxaha ku kacsan dowladda. Waxaana uu qaraxani yimid maalin ka dib markii kooxda Xisbul-Islaam ay ku biirtay kooxda al-Shabaab.