Qaar ka tirsan shirkaddaha xawaaladaha Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa maanta si gaabis ah u bilaabay shaqadii kaddib muddo laba toddobaad ah oo ay shaqo joojin ku jireen.
Ugaas Bashiir Faarax Siyaad, oo ka tirsan ururka shirkaddaha xawaaladaha ee gobolka Minnesota ayaa VOA u sheegay in shirkadduhu ay maanta oo Jimce ah bilaabeen qabashada lacag kooban iyagoo iyagoo isticmaallaya bangiyo yar-yar.
Shirkaddaha xawilaadaha Minnesota ayaa shaqoodda joojiyay 30 bishii December kaddib markii bangiga Franklin oo shirkaddahu ay isticmaali jireen joojiyay adeegii uu u fidin jiray shirkaddaha.