Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Shaqadii Xawaaladaha oo Maanta Istaagtay


Minnesota: Shaqadii Xawaaladaha oo Maanta Istaagtay
Minnesota: Shaqadii Xawaaladaha oo Maanta Istaagtay

Shirkaddaha xawaaladaha gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa maanta si rasmi ah u joojiyay dirista lacagaha, iyadoo ay maanta ku beegan tahay wakhtiga uu u qabtay bangiga Franklin inuu ku joojinayo adeeggii uu siin jiray xawaalladaha Soomaalida.

Guddiga ay leeyihiin shirkaddaha xawaaladaha Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa VOA u sheegay in 14 shirkadood oo xawaaladdaha qaabilsan oo gobolka Minnesota ka diiwaan gashan ay gabi ahaan maanta joojiyeen inay lacago qabtaan ama dibedda u diraan.

Qaar ka tirsan shirkaddaha xawaaladdaha Soomaalida ee gobollada kale ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in shaqo-joojintu aysan iyaga saameyn wakhtigan isla markaana ay howlohoodu sii socon doonaan.

XS
SM
MD
LG