Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Militariga Kenya oo Qarax lagula Eegtay Garissa


Militariga Kenya oo Qarax lagula Eegtay Garissa
Militariga Kenya oo Qarax lagula Eegtay Garissa

Magaalada Garissa ee xarunta Gobolka Waqooyi Brai Kenya waxaa ka dhacay qarax lala beegsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada milatariga Kenya oo kusoo jeeday Gaarisa iyagoo ka yimid dhinaca degmada Libooya.

Qaraxan oo noociisu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan afar askari.

Wali lama oga cidda qaraxan geysatay, wuxuuna ku soo beegmayaa iyadoo ay kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ay sii wado hanjabaaddu ku aadan weerarro ay ka fulinayso gudaha Kenya.

XS
SM
MD
LG