Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yemen: Guri Laga helay Meydadka 2 Somali ah


Yemen waxaa dhowaanahan ka socday dagaallo
Yemen waxaa dhowaanahan ka socday dagaallo

Meydka nin Soomaali ah iyo xaaskiisa ayaa shalay galab laga helay guriga ay ka deganaayeen magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen.

Meydka nin Soomaali ah iyo xaaskiisa ayaa shalay galab laga helay guriga ay ka deganaayeen magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen.

Weriye ku sugan Sanca oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Xuseen Dhiilow, ayaa idaacadda VOA-da u sheegay in guriga meydka laga helay ay sidoo kale ku sugnaayeen laba gabdhood oo ay dhaleen.

Labada gabar, ayaa mid waxa ay ka gubneyd lug, oo dhaawac xooggan ay ka qabtay, waxaana loo qaaday Isbitaalka.

Ninka geeriyoodau oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Diiriye Xasan Geedi iyo xaaskiisa oo aan magaceeda naloo sheegin, ayaa la rumeysan yahay inay ugu yaraan laba maalmood meyd ahaayeen, markii booliiska ay tageen guriga.

Illaa iyo hadda lama garanayo sabbata geerida labadan qof ee Soomaaliga, waxaase jira tuhun ku saabsan in la sumeeyey, ayada oo farta lagu goday ninka leh guriga ay kirada ku degneeyeen.

Waxaa lagu warramay in xaaska ay dad ay saaxiibo ahaayeen ay horey ugu sheegtay in haddii ay geeriyoodaan uu sababta lee yahay milkiilaha guriga. Sida dadka qaar laga soo xigtay, waxaa lagu lahaa laba bil oo kirida guriga ah.

Dad tagay guriga markii geerida labadan qof la maqlay, ayaa sheegay inay sun uga soo urtay. Booliiska ayaa iminka baaraya dhacdadan.

XS
SM
MD
LG