Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cudurka Daacuunka oo ka Dillaacay Wajeer


Dadka ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari ee Kenya (File Photo)
Dadka ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari ee Kenya (File Photo)

Illaa iyo haatan, waxaa la xaqiijiyey in cudurkaas uu dilay 6 qof, in ka badan 132 ruux oo kalena lagu daweynayo cisbitaallada magaalada.

Mas’uuliyiinta Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in cudurka daacuun caloolaha lagu arkay magaalada Wajeer ee Woqooyi Bari Kenya iyo degaannada ku xeeran

Illaa iyo haatan, waxaa la xaqiijiyey in cudurkaas uu dilay 10 qof, in ka badan 150 ruux oo kalena lagu daweynayo cisbitaallada magaalada.

Dr. Cabdinuur Xaaji Maxamuud oo ah xog-hayaha joogtada ah ee wasaarada cafimaadka iyo faya dhawrka ismaamul gobaleedka Wajeer, ayaa idaacadda VOA-da u sheegay in cudurka uu Wajeer ka dilaacay laba toddobaad ka hor.

Cabdinuur, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in cudurka uu iminka sii faafayo, islamarkaana laga soo sheegay tuulooyin kale oo ku dhow magaalada Wajeer.

Waxa uu ku warramay in iminka ay sameeyeen goobo caafimaad oo gaar ah oo dadka qaba cudurkan lagula tacaalo, si uusan cudurka ugu dhex faafin bulshada.

Wariyaha VOA Maxamed Faarax Shire ayaa wareystay Dr. Cabdinuur

Wareysi: Dr. Cabdinuur
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:43 0:00

XS
SM
MD
LG