Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Ceel Boon oo Maanta Degan


Bakool Waxaa dhowaanahan ka socday dagaallo. (File Photo)
Bakool Waxaa dhowaanahan ka socday dagaallo. (File Photo)

Dagaal culus ayaa shalay gelinkii dambe halkaas ku dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Amisom iyo kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda deegaanka Ceel Boon oo ka tirsan degmada Waajid ee gobolka Bakool, ayaa maanta degan kadib dagaal culus oo shalay gelinkii dambe halkaas ku dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Amisom iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkii shalay, ayaa dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiray oo gaaray dhinacyadii dagaalamay. Waxaa illaa iyo iminka la xaqiijiyey in 12 qof ay ku geeriyoodeen dagaalka, ayada oo sidoo kalena ay jiraan dhaawcayo, balse aan la ogeyn tirada rasmiga ah.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in maxaabiis u badnaa dhaawac oo gaaraya illaa iyo shan qof laga qabsaday maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii dambe, ayaa gobolka Bakool waxaa ka socday howl-gallo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo ka dhan Al-Shabaab kuwaas oo dagaallo dhowr ah horseeday.

Deegaanka Ceel Boon, oo ka mid ahaa meelaha ay sida aadka ah ugu xooganayeen Al-Shabaab, ayaa waxaa iminka gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG