Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxbuus ka Baxsaday Shabaab


Maxbuus ka Baxsaday Shabaab
Maxbuus ka Baxsaday Shabaab

Mid ka mid ah dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha oo ay al Shabab gacanta ku haysay ayaa ka baxsaday.

Sarkaal ka tirsan hay'adda xuquuqda aadamaha ee Isha Human Rights oo muddo ka badan afar bilood u xidhnaa maamulka Al Shabab ee gobollada Bay iyo Bakool, ayaa ka baxsaday ciidamda al Shabaab.

Caalim Maxamed Hilowle oo bartamaha sanadkan ay al Shabab ka watteen gurigiisa, ayaa lagu eedayay in uu si qarsoodi ah warbixinno ugu gudbiyay, ha'yado caalami ah oo xuquuqda insaanka ka shaqeeya.

Wararka laga helayo ehelada sarkaalkan ayaa xaqiijinaya in jir-dil xoog leh loo gaystay, waxaana markii laga qabtay gurigiisa loo kaxeeyay magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu gacanta ugu jiray Maamulka Al Shabaab, inkastoo maamlomo ka dib uu magaalada Baydhabo ku celiyay ku xigeenka al Shabab Mukhtar Roobow.

Roobow ayaa wakhtigaasi sheegay in maxaabista lagu qabto magaalada Baydhabo aan loo gudbin karin magaalooyin kale, oo ay muhiim tahay in maxkamad lagu saaro halka lagu qabtay.

Sarkaalka hay'adda xuquuqda aadamaha ee ka baxsaday gacanta al Shabab ayaa wararku ay sheegeen , in uu fursad u helay in uu baxsado mar fasax loo siiyay in uu ka qayb galo aaska wiil uu dhalay oo geeriyooday, waxaana uu ka dhuunta askartii ilaalada loo soo raaciyay.

XS
SM
MD
LG