Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mas'uul lagu Dilay Xerada Hagardheer


Mas'uul lagu Dilay Xerada Hagardheer
Mas'uul lagu Dilay Xerada Hagardheer

Xiisad ayaa ka jirta xerada Hagardheer ee dalka Kenya kaddib markii niman hubeysan ay toogasho ku dileen mid ka mid mas'uuliyiinta qaxootiga Soomaalida.

Mas'uulka la dilay oo lagu magacaabo Axmed Max'ed Max'uud ayaa ka tirsanaa guddi qaxootigu leeyihiin oo qaabilsan aminga xeryaha Dhadhaab.

Niman hubeysan ayaa xalay fiidkii toogtay Axmed wuxuuna goor sii horeysay oo maanta ah u dhintay dhaawacii ka soo gaaray toogashada.

Hay'adda UNHCR ayaa ka hadashay dilka mas'uulkan. Antonia Gutteres, madaxda hay'adda UNHCR ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay dilkaasi.

Dilka mas'uulkan ayaa maanta xiisad ka dhex-abuuray xeryaha Dhadhaab, gaar ahaan xerada Hagardheer oo maanta inta badan uu xirnaa ganacsiga iyadoo ay jirto cabsi ay dadka ka qabaan in amniga xeryuhu ay faraha ka baxdo.

XS
SM
MD
LG