Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Tunisia oo Dalka ka Baxsaday


Madaxweynaha Tunisia oo Dalka ka Baxsaday
Madaxweynaha Tunisia oo Dalka ka Baxsaday

Madaxweynaha dalka Tunisa Zine Elcabidin Bin Cali ayaa isaga huleelay dalkaasi oo ay weli ka socdaan rabshadihii ugu xumaa ee soo mara dalkaasi muddo tobaneeyo sano ah.

Telefishanka afka Carabiga ku hadla ee Aljazeera ayaa sheegay in Hadda uu afhayeenka baarlamaanka uu talada gacanta ku hayo.

Waxaana dalkaasi lagu soo rogay xaalad deg deg ah gelinkii hore ee maanta, iyadoo la mamnuucay inay dadku isu yimaadaan, loona fasaxay ciidamada amnigu inay toogtaan rabsho wadayaasha.

Madaxweynaha waxa uu caawa jimcaha ee wakhtiga dalka Tunisia uu diyaarad ku baxay iyadoo militariguna ay xireen airaboorka iyo hawada dalkaasi.

Tiro dad ah ayaa ku dhintay rabshadihii ka dhacay dalkaasi oo ka dhashay ascaarta cuntada oo kor loo qaaday, iyo shaqo la'aanta ooiyaduna kor u kacday.

Isla maanta oo jimce ah waxaa is casilay, safiirkii Tunisia ee Uneco Mezri Hadad.

XS
SM
MD
LG