Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Ghana oo Geeriyooday


Madaxweynaha Wadanka Galbeedka Africa ku yaala ee Ghana John Atta Mills ayaa maanta si lama filaan ah u geeriyooday, saacado yar ka dib markii uu hayay xanuun ku soo booday.

War ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada dalkaasi ayaa lagu xaqiijiyay geerida Madaxweynaha

Warbaahinta dalka Ghana ayaa sidoo kale warineysa in Madaxweynaha uu ku geeriyooday Cusbital military oo ku yaala caasimadda dalkaasi ee Accra.

Weli lama oga sababta uu madaxweynaha u geeriyooday.

Madaxweynaha Geeriyooday John Atta Mills ayaa waxuu dalkaasi Ghana hogaaminayay tan iyo sanadii 2009kii.

XS
SM
MD
LG