Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Libya: Dooni Sidday Soomaali Tahriib ah oo la La' Yahay


Libya: Dooni Sidday Soomaali Tahriib ah oo la La' Yahay
Libya: Dooni Sidday Soomaali Tahriib ah oo la La' Yahay

Dooni sidday in kabadan 50 Soomaali ah oo ka soo baxday Libya kuna socotay Italy ayaa la La' yahay meel ay jaan iyo cirib dhigtay.

Doonidan ayaa ka mid ahayd 3 doonyood oo ka baxay Libya Sabtidii hore, hasse yeeshee waxaa la bad-baadiyay laba doonyood oo dib loogu celiyay Libya.

Macow Cali Macow oo ka mid ahaa Soomaali saarnayd doonyaha la bad-baadiyay ayaa VOA u sheegay in doonida maqan ay saarnaayeen dad badan oo Soomaali ah oo intooda badan ka yimid magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Ilaa hadda lama oga xaaladda ay ku sugan yihiin dadkaasi, balse markii ugu danbeyso ee la maqlo ayay sheegeen in doonidaasi ay biyo ugu galeen matoorkana ay cilad ku timid.

Dhageyso wareysiga Macow Cali Macow.

XS
SM
MD
LG