Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Khilaafka Baarlamaanka oo sii Kordhaya


Muqdisho: Khilaafka Baarlamaanka oo sii Kordhaya
Muqdisho: Khilaafka Baarlamaanka oo sii Kordhaya

Khilaafka siyaasadda ee u dhaxeeya baarlamaanka ayaa sii kordhaya. Xildhibaannadii xilka ka qaaday guddoomiye Shariif Xasan ayaa qaadacay hadalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo sheegaya inay sharci darro tahay doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka.

Xildhibaannadan ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku sheegeen inay ku dhaqmayaan shuruucda dalka, iyagoo beesha caalamka ka codsaday inaysan taageerrin dowladda Soomaaliya oo ay ku tilmaameen inay sharciga ku tumatay iyo ku takrifallid awoodeed.

Kulan ay yeesheen Guddiga Amniga qaranka ee DKMG oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa war-saxaafadeed laga soo saaray waxaa lagu sheegay inay sharci darro tahay magacaabista Madoobe Nuunow loo magacaabay guddoomiyaha baarlamaanka.

Dhageyso warbixinta labada war-saxaafadeed.

XS
SM
MD
LG