Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Soomaali laga Shikisnyahay oo la Qabtay


Booliiska dalka Kenya ayaa qabtay saddex nin oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxaha argagixisada, iyagoo doonayay inay u dhoofaan Somalia.

Booliiska ayaa sheegay in mid kamid ah raggaas, oo la yiraahdo Suleyman Ciise, inuu heysto dhalashada dalkan Mareykanka, isla markaana inuu ku jiro liiska argagixisada.

Dhallinyaro Somali-Mareykan ayaa bilihii ugu dambeeyey u dhoofay Somalia, si ay ugu biirana kooxda Al-Shabaab, kooxdaas oo uu Mareykanku ku daray liiska argagixisada.


XS
SM
MD
LG