Isku xirrada

War Deg-Deg ah

K. Korea iyo Hawlgalkii Burcadbadeedda


K. Korea iyo Hawlgalkii Burcadbadeedda
K. Korea iyo Hawlgalkii Burcadbadeedda

Kuuriyada Koonfureed waxay sheegtay inay u madaxbannaan tahay inay badbaadiso maraakiibteeda iyo shaqaalaha la socda.

Kuuriyada Koonfureed ayaa difaacaysa awoodda ay u isticmaashay soo furashada Markab iyo shaqaalihii la socday oo ay burcadbadeed afduub ku haysteen.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koonfureed Kim Sung Hwan ayaa meesha saaraya walaac ay muujinayaan dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin ciidamada badda ee Midowga Yurub ee ku saabsan in qaadista tallaabo military oo ka dhan ah burcadbadeedda ay khatar gelin karto nolsho badmaaxiinta afduubka loogu haysto xeebaha Soomaaliya.

Kim ayaa sheegay inuusan ku raacsanayn dhalleecaynta noocaasi ah.

Hawlgallo kala duwan oo ay Jimcihii qaadeen ciidamada Kuuriyada Koonfureed iyo kuwa Malaysia waxay ku soo furteen maraakiib iyo shaqaale ay afduubteen burcadbadeed Soomaaliyeed.

Ciidamada badda ee Kumaandosta Kuuriyada Koonfureed waxay xoog ku soo furteen 21 badmaax, iyagoona dilay 8 ka mid ah burcadbadeeddii afduubka ku haysatay, 5 kalena ay nolosha ku qabteen.

Ciidamada Midowga Yurub oo iyagu xeebaha Geeska Afrika la jooga afar markab ay sheegeen inaanay qaadi doonin tallaabooyinka soo furashada noocaasi ah, iyagoo sabab uga dhigay inay khatar gelin karto nolosha la haystayaasha.

Si kastaba ha ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in burcadbadeedda Soomaalidu ay ku hanajabaan inay beegsadaan maraakiibta Kuuriyada Koonfureed ayna dili doonaan shaqaalaha, si ay uga aargoostaan weerarkii jimcihii ay qaadeen ciidamada Kuuriyada Koonfureed.

XS
SM
MD
LG