Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jigjiga: Muran ka Taagan Degmooyin Cusub


Jigjiga: Muran ka Taagan Degmooyin Cusub
Jigjiga: Muran ka Taagan Degmooyin Cusub

Degmada Raaso oo ka mid ah deegaamada la degmeeyay waxaa ka taagan muran la xiriira wakiillada degmadaasi.

Baarlamaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxa uu dhowaan ansixiyay 15 degmooyin cusub oo ku biiraya degmooyinka Kililka 5aad.

Deegaamada la degmeeyay waxaa ka mid ah Raaso, halkaasoo uu ka taagan yahay muran la xiriira dadka matali doona degmadaasi.

Guddoomiyaha baarlamaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Maxamed-Rashiid Isxaaq Ibraahim oo ku sugan magaalada Jigjiga ayaa VOA-da u sheegay in degmooyinka cusub ee la ansixiyay lagu qiimeeyay baaxadda iyo horumarka ay sameeyeen.

Hase yeeshee waxaa jira deegaamo ay dadkoodu ku cabanayaan inay u qalmeen in degmo laga dhigo, hase yeeshee ay ku doodayaan in la hareer maray. Guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu dooddaasi ka yiri in dadka deggan degmooyinkaasi ay yihiin shicibkooda ayna diyaar u yihiin inay la fariistaan oo ay dhageystaan cabashadooda, wixii laga qaban karona ay isla xalin doonaan.

Dhanka kale, Jamaal Sheekh Cumar oo sheegay inuu ka tirsan mas'uuliyiinta maamulka Raaso, wuxuuna sheegay inaanay oggolaan doonin qaabka loo degmeeyay degmada Raaso.

XS
SM
MD
LG