Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HRW oo Warbixin soo saartay


HRW oo Warbixin soo saartay
HRW oo Warbixin soo saartay

Human Rights Watch ayaa si adag u cambaaraysa ururka Al-Shabab oo ay ku eedaysay inay dadka ku nool Koonfurta Soomalaiya kula kacaan dil, ciqaab cadawtooyo ah iyo cabburin ijtimaaci ah

Warbixin ka kooban 62 bog oo ay soo saartay hay’adda u doodda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa tilmaantay in ururka Al-shabaab uu si gacan adagi ku jirto u maamulo koonfurta Soomaaliya.

Warbixintan oo cinwaan looga dhigay “Dagaal Qaxar ah, Nabad Qaxar ah, xad-gudubyadda Alshabaab, DKMG ah, iyo Ciidamada AMISOM” ayaa tilmaamaysa in xoogagga mucaaradka, kuwa dawladda iyo ciidamada nabad ilaalinta ee AMISON ay dhibaato laxaad leh u geysteen nolosha dadka ku dhaqan magaalada Muqdishu.

Dhinaca Al-shabaab, warbixintu waxay tilmaantay in ay geystaan dil, ciqaab naxariis la’aan ah, iyo xanibaad noloshada bulshada ee caadiga ah. Warbixintu waxay tibaaxday in xoogagga Al-shabaab ay degenaansho iyo nabad gelyo balaaran ka abuureen meelo badan oo Koonfurta Soomaaliya ah laakiin taasi ay qiimo badan ugu kacday dadka meelaha ay ka taliyaan ku nool, gaar ahaan dumarka. Wareysi ay Human Rights Watch la yeelatay in ka badan 70 qof oo dhibanayaal iyo markhaatiyaal iskugu jira, ayaa caddeeyey in xoogagga Al-shabaab ay geystaan ciqaab, xubno la gooyo, iyo jeedal la isla dhaco kuwaasoo mar walba la fuliyo iyadoon habkii dacwad-qaadista aan la marin. Dadka qaar ayaa lagu tuhmaa in ay jaasuusiin yihiin, ama niyad-wanaag u hayaan dawladda KMG ah, tuhmadaas ay si fudud u keenta in dadkaasi dil lagu xukumo ama la khaarajiyo.

Warbixinta ayaa sheegtay in xoogagga mucaaradku ay si aan kala sooc lahayn madaafiic ugu tuuraan meelaha dadku ku badan yihiin ee dawladdu ka taliso taasoo keenta iyana ciidamada AMISON ee tiradoodu dhantahay 5,300 ee dawladda KMG la jaalka ah ay iyaguna madaafiic kuwaas la mid ah ku jawaabaan.

Warbixintu waxay iyaduna eedda dusha kaga tuurtay quwadaha DKMG ah taageersan sida dawladda Maraykanka, Midowga Yurub, iyo xafiisyada siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya qaabilsan oo iyagu falalka Alshabaab inay dhaleeceeyaan lasoo deg-dega balse indhaha ka laabta xad-gudubyada dawladda iyo ciidamada AMISOM ee iyada taageera.

Waddanka Kenya ayaa isna warbixintu sheegtay in uu ciidamo dagaalama ka qortay xeryaha qaxootiga ee Kenya taasoo dhib u geysanaysa xaaladda ban’iaadaminimo ee xeryahaas.

Wadanka Eriteria ayaa isna warbixintu sheegtay in isagoo Ethiopia iyo maslaxadeeda gobolka hor is-taagaya ay hub ku caawiyaan Alshabaab. HRW ayaa ugu yeertay dalalka iyo ha’yaddaha caalamiga inay dib u qiimeeyaan siyaasadahooga ku aadan Somalia, isla markaana ay joojiyaan wixii sii xumayn kara xad-gudubyada ka dhaca Soomaaliya.

Human Rights Watch waxay wareysi la yeelatay dad kala deggan labada dhinac ee magaalada. Dadkani waxay arkeen dadkoodii oo dirirtu halaagay, arrintan oo xad-gudub ku ah qawaaniinta dagaalka.

Dhinaca kale filim jishada loo yaqaano Angelina Jollie, oo safiir sharafeed u ah Ha’yadda Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in loo tudho kumanaanka dadka ah ee ku barakacay ama ku xayirmay dagaalada ka socda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Gaba-gabadii, Georgette Gagnon oo ah xiriiriyaha Human Rights Watch, qeybteeda Africa ayaa sheegay in “dhinacyada is haya oo dhami ay mas’uul ka yihiin xad-gudubyada aan kala joogsiga lahayn oo ka dhacaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho."

XS
SM
MD
LG