Isku xirrada

War Deg-Deg ah

MSF oo Xirtay Xarumo Caafimaad


MSF oo Xirtay Xarumo Caafimaad
MSF oo Xirtay Xarumo Caafimaad

Hay’adda Caalamiga ah ee Dhakaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa sheegtay inay xirayso xarumo caafimaad oo ka furnaa caasimadda Somalia ee Muqdisho, kaddib markii labo shaqaalaheeda bishii hore magaaladaas lagu dilay.

Kooxdan ayaa Khamiistii maanta sheegay inay xirayaan goob ay 120 sariirood yaalleen oo ku taallay degmada Hodan, halkaas oo lagu daweyn jiray cudurada nafaqo-darada, Jadeecada, iyo shuban biyoodka.

Isu-duwaha Hay’adda, Christopher Stokes, ayaa sheegay inay adag tahay in adeegyadan laga joojiyo meel ay hay’addu naf ku badbaadinayso, laakiinse, “dilkii naxdinta lahaa” ee shaqaalaheeda loo geystay uu howsha ka dhigay mid aan sii socon karin.

Xiriiriye u dhashay dalka Belguim iyo dhakhtar u dhashay dalka Indonesia ayaa 29kii bishii December ee sanadkii hore waxa dil u geystay shaqaale maxali ah oo ay hay’adda u shaqeynayey.



XS
SM
MD
LG