Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Haweenay Faransiis ah oo laga soo Afduubtay Kenya


Haweenay Faransiis ah oo laga soo Afduubtay Kenya
Haweenay Faransiis ah oo laga soo Afduubtay Kenya

Burcad-badeed Soomaali ah ayaa haweenay Faransiis ah ka afduubtay jaziiradda Maanda oo u dhow goobta loo daxiis tago ee Lamu ee Kenya. Ciidamada Kenya ayaa ku dabajira kooxdaasi.

Haweenaydan oo la sheegayo inay naafo tahay isticmaashana kuraasta curyaamiinta lagu riixo ayaa waxaa laga kaxeystay gurigeeda habeenkii xalay ahaa waxaana ay kooxdu u sii wadataa dhinaca iyo Soomaaliya

Wasiirka dalxiiska ee Kenya, Najib Balala ayaa sheegay in markab ay wataan burcad-badeeddu ay ku hareeransan yihiin laba markab oo Kenya leedahay sidoo kalena ay dhinaca hawada kudaba socdaan burcad-badeeddaasi.

Afduubkan haweenayda Faransiiska ah ayaa noqonaya kii labaad ee qof ajanabi ah laga afduubto Lamu muddo bil gudaheed ah. Bilowgii September burcad-badeed Soomaali ah ayaa dilay nin u dhashay Birtain isla markaana afduubtay xaaskiisii, waxaana la sheegayaa in haweenayda u dhalatay Britain haatan lagu hayo meel ka tirsan bartamaha Somalia.

XS
SM
MD
LG