Labo Haween oo Soomaali ah balse haysta dhalashada dalka Maraykanka ayaa shalay la soo taagay maxkamadda Federaalka ee gobolka Minnesota, kuwaasoo loo haysto eedeeymo la xiriira inay taageero u fidiyeen kooxda al-shabaab ee dalka Soomaaliya.
Aamino Faarax Cali iyo Xaawo Maxamed Xasan waxaa todobaadkii la soo dhaafay lagu xiray magaalada Minneapolis ee dalkan Maraykanka, ka dib markii 14 oo iyaga ay ka mid ahaayeen lagu eedeeyay inay taageeraan kooxda al-Shabaab.
Dambi baarayaasha Maraykanka waxay labadan haweenka ah ku eedeeyeen inay lacago ka soo ururiyeen Soomaalida degan Maraykanka iyo Canada, iyagoo markii hore lacagtaasi ku sheegay inay gaarsiinayaan dad ku dhibaateysan duleedka Muqdisho, balse markii dambe u weeciyay kooxda al-Shabaab, sida ku qoran dacwadda lagu soo oogay.
Aamino Faarax Cali iyo Xaawo Maxamed Xasan, labadoodiiba waxay beeniyeen eedeeynta loo soo jeediyay.
Kooxda al-Shabaab oo xiriir la leh shabakadda argagixisada ee al-Qaacida, waxay ku jirtaa liiska Maraykanka ee ururada argagixisada.