Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Germany oo Xirtay Nin Soomaali ah


Burcad badeed Soomaali ah
Burcad badeed Soomaali ah

Mas’uuliyiinta dalka Germany ayaa sheegay inay xireen nin Soomaali ah oo lagu tuhmayo inuu ka mid ahaa koox burcad badeed ah oo afar sano ka hor qabsaday markab.

Mas’uuliyiinta dalka Germany ayaa sheegay inay xireen nin Soomaali ah oo lagu tuhmayo inuu ka mid ahaa koox burcad badeed ah oo afar sano ka hor qabsaday markab laga lee yahay dalkaas.

Markabka MV Susan K, oo ay ka howl gasho shirkad Jarmal ah, ayaa xeebaha Cuman laga afduubtay sanaddii 2011. Kooxda burcad badeedda Soomaalida ah ee markabaas afduubtay, ayaa shaqaalahii saarnaa haystay muddo ka badan laba bil, ilaa laga siiyey lacag madax furasho ah oo dhan 3.5 milyan oo dollar.

Wakaaladda wararka Germany ee dpa, ayaa kasoo xigatay dacwad oogaha magaalada Osnabrueck Alexander Retemeyer in ninkan Soomaaliga ah oo aan magaciisa la sheegin uu qirtay inuu ku lug lahaa afduubka.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa waxaa la xiray saddex toddobaad kahor isaga oo magan galyo ka raadinaya magaalada Koonfureed ee Reutlingen.

XS
SM
MD
LG