Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladdii Greece oo Bur-Burtay


Ra'iisul wasaare Alexis Tsipras ayaa is-casilay khamiistii. Aug. 20, 2015.
Ra'iisul wasaare Alexis Tsipras ayaa is-casilay khamiistii. Aug. 20, 2015.

Xubnahan oo 25 ruux ah, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay sameynta xisbiga Popular Unity, kaas oo noqonaya xisbiga seddexaad ee ugu weyn Giriiigga .

Xubno ka mid ah garabka fog ee bidix kana tirsanaa xisbiga talada haya ee Syriza ee ra’iisal wasaaraha Giriigga Mr. Alexis Tsipra, ayaa sheegay inay ka baxeen xisbigaasi ayna sameydteen mid iyaga u gaar ah, kadib markii ay ku guul darreysteen inay joojiyaan meel marinta 95 biliyan oo dollar oo baxnaano dhaqaale ah, taas oo bankiga dhexe ee Yurub uu ugu deeqay Giriigga.

Xubnahan oo 25 ruux ah, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay sameynta xisbiga Popular Unity, kaas oo noqonaya xisbiga seddexaad ee ugu weyn Giriiigga kuna jira baarlamaanka dalkaasi ee 300 ka kooban.

Xubnaha xisbigan cusub, ayaa sheegay inay ka niyad jabeen sida uu Mr. Tsipras uu uga noqdey wacadkiisi ahaa inuusan meel marin doonin barnaamijkaasi ee baxnaanada kobaca dhaqaale ee dalkiisa.

Ra’iisal wasaare Tsipras, oo Khamiistii is casilay, ayaa ku baaqay in la qabto doorasho deg deg ah 20-ka bisha September ee soo socota, waxana uu tilmaamay in uu juhdi badan galiyay sidii uu u meel marin lahaa ballan qaadyadiisa loona heli lahaa heshiiska ugu wanaagsan ee la awoodey.

Meel marinta barnaamijkan baxnaanada dhaqaale ee dalka Giriigga, ayaa noqonaya kiisii seddexaad muddo shan sano gudaheed ah.

XS
SM
MD
LG