Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ansixiyay guddiga KMG ee doorashooyinka.
Guddigaasi oo ka kooban 9 xubnood waxaa 4 ka mid ah magacaabay guddoomiyaha baarlamaanka, halka 5ta kalena uu soo magacaabay madaxweynaha.
Baarlamaanka ayaa ansixiyay 7 ka mid ah xubnaha guddigaasi oo maanta hor yimid baarlamaanka, iyadoo laba ka mid ah ay maqnaayeen, sababo caafimaad lagu sheegay.
Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay guddiga KMG ah ee doorashada, kaasoo ka kooban 9 xunood.