Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garab ka Mid ah Xizbul Islam oo ka Baxay


Garab ka Mid ah Xizbul Islam oo ka Baxay
Garab ka Mid ah Xizbul Islam oo ka Baxay

Qaar ka mid ah madaxda Mucaskarka Raaskaambooni oo hore uga tirsanaa X/Islaam ayaa sheegay in ay ka baxeen.

Arrintan ayaa soo baxday ka dib markii Sh Axmed Madoobe iyo mas'uuliyiin kale oo ka mid ah Raaskambooni ay shaaca ka qaadeen in ay ka baxeen Xizbul Islaam.

Sh Daahir Axmed Sh Cabdulaahi oo ka mid ah horjoogayaasha ciidanka Raaskambooni ayaa VOAda u xaqiijiyay in ay ka baxeen Xizbul Islaam.

Sh Daahir ayaa arrintaasi ku macneeyay in go'aansadeen ka dib markii sida uu sheegay uu Xizbigu ka leexday hadafkii loo aasaasay.

Waxa kale oo uu tilmaamay in ay ka xumaadeen gurmad la'aanta ku dhacday markii ay dagaalka isaga hor yimadeen qaybta uu hogaamiyo Sh Aaden Madoobe iyo ururka Al Shabaab.

Garabka Raaskambooni ee ka baxay ururka Xizbul Islaam ayaa tilmaamay in ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab.

XS
SM
MD
LG