Maamulka Gal-Mudug ayaa xukun qisaas ah ku fuliyay gacan ku dhiigle lagu eedeeyay inuu horey dil u geystay.
Gacan ku dhiiglaha la qisaasay oo la oran jiray Maxamed Daahir Maxamed ayaa la toogtay ka dib markii maxkamadda sare ee maamulka Gal-Mudug ay ku caddeysay inuu 20-kii bishii February uu degmada Hobyo ku dilay, ganacsade Maxamed Cabdi Jaamac (Xabeeb).
Qisaasta ayaa ka dhacday fagaaraha Shibaax ee koonfurta Gaalkacayo,waxaana goob joog ka ahaa Madaxweynaha maamulka Gal-Mudug, Maxamed Axmed Caalin, Jeneral Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) taliyihii hore ee ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo dadweyne aad u tiro badan.
Dhanka kale, labo qof ayaa ku dhimatay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen rasaas lagu furay gaari, deegaanka Gelinsoor ee gobolka Mudug.
Ninka la qisaasay waxaa la oran jiray Maxamed Daahir Maxamed, waxaana lagu helay inuu horey nin ganacsade ah ugu dilay Hobyo.