Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin Maraykan ah oo laga Afduubtay Koonfurta Gaalkacyo


Nin Maraykan ah oo laga Afduubtay Koonfurta Gaalkacyo
Nin Maraykan ah oo laga Afduubtay Koonfurta Gaalkacyo

Dabley hubeysan ayaa maanta Gaalkacyo ku afduubtay nin Maraykan ah oo la sheegay inuu yahay weriye xaruntiisu tahay Germany.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Michael Scott Moore ayaa dableydu ay qabsadeen xilli uu ka soo noqday garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo uu ku sii sagootiyay nin filim qaade ah oo ay isla yimaadeen Gaalkacyo.

Maxamed Sahal oo ninkan la afduubat ay Germany ka wada yimaadeen ayaa VOA u sheegay in kooxda afduubka sameysay ay ku jiraan rag ilaallo u ahaa iyaga.

Maxamed Sahal wuxuu sheegay in ninkan iyo filim qaadihii la socday uu geeyay ilaa iyo degmada Hobyo si ay macluumaad ama filim uga sameeyaan burcad-badeedda ka howlgasha bartamaha Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG