Ra'iisal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa kaga dhowaaqay Golihiisa xukuumadda cusub oo ka kooban 18 Wasiir.
Xafladda looga dhowaaqay xukuumadda Cusub ayaa ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Xubnaha Wasiirada waxaa ka mid ah;
Cabdullaahi Abyan Nuur: Wasiirka Diinta iyo Arrimaha Awqaafta
Maxamed Cabdullaahi Oomaar Wasiirka Arr. Dibedda ahna ra'iisal wasaare ku xigeen.
Xuseen Cabdi Xalane Wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta
Cabdixakiim Maxamed Xaaji Fiqi Wasiirka Gaashaan Dhigga ahna Ra'iisal wasaare ku xigeen
Prof. Cabdiweli Maxamed Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga.
Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax wasiirka Amniga iyo Arrimaha Gudaha.
Maryan Qaasim Axmed Wasiirka Haweenka.
Cabdirashiid Khaliif Xaashi Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska.
Yuusuf Macalim Amiin (Baadiyow) Wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha.
Dr. Aadam Xaaji Ibraahim Daa’uud Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
Cabdikariin Xasan Jaamac Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta.
Cabdinuur Macalim Maxamuud Wasiirka Arrimaha Bulshada, shaqada, horumarinta shaqaalaha iyo Dhalinyarada iyo Isboortiga.
Dr. Maxamed Macalim Xasan Maxamed Wasiirka Kalluumeysiga Bii’ada iyo Kheyraadka Badda.
Axmed Cabdiraxmaan Cabaade Wasiirka dekedaha Gaadiidka Badda, Cirka iyo Badda.
Maxamuud Maxamed Boonow Wasiirka Dastuurka Federaalka iyo dib u heshiisiinta.
Cabdirisaaq Sheekh Muxuyiddiin Wasiirka Macdanta Biyaha iyo Shidaalka.
Cabdinuur Sheekh Maxamed Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Taclinta Sare.
Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahiim Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.
Xubna Wasiirada ee xukuumaddan cusub ayaa u badan Soomaalida qurbo joogta ah, waxaana la horgeyn doonaa baarlamaanka federaalka si ay codka kalsoonida uga helaan.