Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fahad Yaasiin oo dacwad u gudbiyey maxkamadda sare


Fahad iyo Dayib
Fahad iyo Dayib

Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay qabatay gal-dacwadeed uu soo gudbiyey la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin), dacwaddaas oo ka dhan ah guddida doorashada ee heer-federaal.

Fahad Yaasiin ayaa ka dacwoonaya in guddida doorashadu ay si sharci darro ah ugu diiday kursi uu ku soo baxay oo doorashadiisu ay bishii Febraayo ka qabsoontay magaalada Beledweyne.

Sida ku cad qoraalka, waxaa maxkamaddu ay ku wargelisay garyaqaanka dawladda inuu muddo laba maalmood gudahood ah kaga soo jawaabo gal-dacwadeedkan laga soo gudbiyey guddida doorashada ee heer-federaal.

Fahad Yaasiin ayaa ka mid ah afar xildhibaan oo guddida doorashada ee heer-federaal ay u diideen inay ansixiyaan.

Haddaba weriyaha VOA Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan oo ku sugan Washington DC ayaa khadka taleefonka ee Muqdisho ku wareystay, Garyaqaan Cali Yare, oo ka mid ah qareennada ku sugan Muqdisho.

Dacwadda Fahad Yaasiin ee Maxkamadda Sare
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:11 0:00
XS
SM
MD
LG