Isku xirrada

War Deg-Deg ah

193 mudane oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka oo qaatay shahaadada xildhibaannimo


Ra'isul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Guuled oo shahaada ka guddoomaya guddoomiyaha FEIT Muuse Geelle.
Ra'isul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Guuled oo shahaada ka guddoomaya guddoomiyaha FEIT Muuse Geelle.

Guddiga doorashada heer Federaal ayaa soo saaray liiska mudaneyaasha ka tirsan baarlamaanka 11-aad ee ilaa iyo hadda qaatay shahaada xildhibaannimo, xilli afar maalmood ay ka harsan yihiin wakhtigii dhaarinta xildhibaannada sida uu dhigayo jadwalka dhammeystira doorashada ee dhawaan la faafiyay.

Bayaan kasoo baxay guddiga FEIT ayaa lagu sheegay in ilaa hadda ay shahaada xildhibaannimo ay qaateen 193 mudane oo iskugu jira xildhibaanno iyo senatarro, iyaga oo ku boorriyay in xildhibaannada kale ee dhiman ay qaataan shahaada.

Waxaa weli taagan khilaafka ka dhashay dib u celinta afar xidhibaan oo laga saaray liiskii la shaaciyay kowdii bishan, kuwaas oo guddiga doorashada iyo xafiiska Ra'isul Wasaaruhu ay sheegeen 'in doorashadooda lala dhinac maray habraaca doorashada'.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa 'dhaleeceeyay hannaanka guddiga doorashada iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay ku wadaan habraaca doorashada', xilli uu Khamiistii magaalada Baydhabo kula shirayay xildhibaannada laga soo doorto Koofur Galbeed, kuwaas aan weli qaaday shahaada xildhibaannimo.

Xafiiska Ra'isul Wasaare Rooble ayaa iska fogeeyay eedaha uu madaxweyne Laftagareen u soo jeediyay.

XS
SM
MD
LG