Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaan Khasaare Ka Geystay Somaliland


Xukuumadda Somalia waxa ay shaaca ka qaadday in baddu ay kacday magaalooyinka xeebaha ah qaarkood, uuna jiro khasaare.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in roobab duufaanno wata oo ka da'ay deegaanno Somaliland ka mid ahi ay geysteen khasaare ay ka mid tahay dhimashada xoolo nool.

Waxa kale oo xukuumadda ay shaaca ka qaadday in baddu ay kacday magaalooyinka xeebaha ah qaarkood, sababo la xiriira duufaanta.

Somaliland waxa ay ka digtay roobab kale oo xoog leh oo la saadaalinayo inay toddobaadkan da'aan, kuwaasi oo dhibaatada iyo khasaaraha sare usii qaadi kara.

Wasiirka beeraha Somaliland Dr. Maxamed Daahir Ibraahim oo shir jaraa'id ku qabtay Hargeysa, ayaa dadka ku nool deegaannada xeebaha ah iyo goobaha biyo mareennada ahi ay ka digtoonaadaan roobabka da'aya.

Weriyaha VOA Barkhad Kaariye ayaa shirkaa jaraa'id ka dib wasiirka waraystay, waxaanu waydiiyay ujeeddada uu qabtay shirkaasi jaraa'id.

Dabeylaha Somaliland
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:35 0:00

XS
SM
MD
LG