Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ISIS Oo Lagu Tuhmayo Diyaaraddii Dhacday


Buburka diyaaradda
Buburka diyaaradda

Saraakiisha Mareykanka iyo Britain ayaa sheegaya in laga yaabo in soo dhicitaanka diyaaradda ay sababeen waxyaabaha qarxa oo horey diyaaradda loo soo saaray.

Saraakiisha Mareykanka iyo British-ka ayaa warbaahinta u sheegay inay aad suurta gal u tahay in qarax bam uu soo riday diyaaraddii Ruushka ee toddobaadkii tagay kusoo dhacday buuraha Sinai ee dalka Masar, oo 224 qof ay ku geeriyoodeen.

Mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in hadal isgaarsiineed oo dhexda laga qabtay uu tilmaamayo suurta galnimada ah in kooxda Daacish ay mas’uul ka ahayd shilkan.

Islamarkaana xoghayaha arrimaha dibedda Britain Philip Hammond ayaa sheegay inay si aad ah macquul u tahay in soo dhicitaanka diyaaradda ay sababeen waxyaabaha qarxa oo horey diyaaradda loo soo saaray.

Si kastaba, saraakiisha Ruushka ayaa diiday wararkaas, waxaana xukuumadda Moscow ay sheegtay inay aad deg deg u tahay in go'aan laga gaaro waxa diyaaradda soo riday, ayada oo aan la dhameystirin baaritaanka.

Khuburada ayaa waxa ay iminka darsayaan burburkii diyaaradda ayaga oo raadinaya astaamo muujinaya weerar argagixiso, halka warar kalena ay sheegayaa in meydadka dadka qaar lagu arkay firir galay.

Kooxda Daacish ayaa horey u sheegatay inay diyaaradda soo ridday, balse weli ma aysan soo bandhigin wax caddeymo ah oo taageeraya sheegashadeeda.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sissi ayaa ku gacan seeray sheegashada Daacish, oo uu ku tilmaamay “Dacaayad lagu dhaawacayo ammaanka iyo xasilloonida Masar”.

XS
SM
MD
LG