Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doonyo ganacsi ah oo la afduubtay


Burcad-badeed
Burcad-badeed

Burcad-badeedda Somalia ayaa afduubatay 8 doonyood oo u rarnaa ganacsato Soomaali ah.

Ilaa iyo 8 doomood oo u raran ganacsato Soomaali ah ayaa haatan la xaqiijiyay inay u afduuban yihiin burcad-badeed Soomaali ah. Max’ed Cali Macalin oo u hadlayay Ganacsatada ayaa maanta shir jaraaid oo uu ku qabtay Muqdisho arrintaasi ka sheegay.

Doonyahan ayaa qaarkood laga qabsaday badweynta, halka kuwo kalena laga afduubtay meel aan ka fogeyn dekedaha Somalia.

Doonyahan ayaa ku wajahnaa dekeddaha Muqdisho iyo Kismaayo.

Ganacsade Cabdi Xasan oo ka mid ah ganacsatada doonyaha maqan ay u raran yihiin ayaa isagoo ku sugan Dubai VOA-da u sheegay in ujeeddada ka danbeysay afduubkani yahay sidii ay burcad-badeeddu ay doonyahaasi ugu afduuban lahaayeen maraakiibta waaweyn ee maraya biyaha Somalia.

Afduunka doonyahan ayaa saameyn weyn ku yeelanaysa ganacsiga Somalia, iyadoo inta badan ganacsatada Soomaalidu ay raashin iyo bagaash ka keenaa wadamada dibedda. Saameynta ugu weyn ayaa noqonaysa sicir barar ku yimaada qiimaha raashinka, waxaana la sheegayaa in isla maanta uu qiimo koror ku yimid qaar ka tirsan raashinka lagu kala iibsanayo suuqyada magaalada Muqdisho.

Axmed Diiriye oo ka mid ah odoyaasha Muqdisho ayaa mar uu ka hadlayay afduubka doonyaha ku sheegay inay tahay arrin masiibo ah, wuxuuna ugu baaqay burcad-badeedda inay waantoobaan falalkaasi.

Ugu danbeyntii, ganacsatada Soomaalidu waxay ka digeen in haddii afduubkani sii socdo uu gabi ahaanba istaagi doono isu-socodka ganacsiga Somalia.

XS
SM
MD
LG